April 24th, 2008
13-10-2007

Meel xil leh (sheeko gaaban) Ibraahin Yuusuf Axmed "Hawd"



Aad ayuu u jeclaan lahaa in uu helo cid uu la sii rafiiqo, hirarka dadka ah ee ilaa shalay hortiisa qulqulayase qof soomaaliyeed kama uu dhex helin. Wuu hubaa soomaaliga ugu horreeya ee uu la kulmi doono ama la kulmi waayi doonaa in uu yahay mid sidiisa dhuumaalaysi ah. Cidhifyada dunida waxaa wareegaysa soomaali qaxooti ah. Dhulkii soomaalida waa la xanuunjiyey dabadeed inta uu gadooday ayuu ubadkiisii debedda u soo qubay.

Dhammaadka bisha julaay oo ah maalin kulul ayuu taagan yahay magaalo ka mid ah kuwa Yurubta Bari ugu xiga galbeed. Wuxuu madaxa ku hayaa Yurubta Galbeed oo Jarmal ugu sokeeyo. Socdaal dheer oo dhuumasho iyo halis badan ka dib jeerka soohdinta Jarmalka la gaadho si aan laguu qaban waa in aad habeennimo lugaysaa ilaa afartan kiiloomitir oo dhuumaalaysi ah, adiga oo sii dhex maraya tuulooyin iyo beeralay wada ilaalo ah. Ujeeddaduna waa in aad inta aad awooddo ka fogaataa soohdimaha dalalka la garan karo in aad ka soo gashay ee lagugu celin karo. Sidaas ayuu u og yahay. Socdaalkaas lugta ah waxaa loo baahdaa rafiiq waayo wax waliba waa ay kugu dhici karaan: waa lagu qaban karaa oo xabsi gumeed lagugu illaawi karaa, ama dad shisheeyaha neceb baa ku heli kara. Tallaabo walba oo aad qaaddaa waa khatar iskeed u taagan. Waa sidaas muddada la jibaaxayo dhulalka carabta iyo Yurubta Bari. Waa tabtaas ilaa aad gasho Yurubta Galbeed, Waqooyiga Ameerika, Ustaraaliya ama Niyuusilaan.
 
Xarunta tareennada uu ilaa shalay dhex wareegayey ayuu goor barqo ah ka arkay laba qof oo markaas soo degay. Aad ayuu ugu farxay. Waxaa jirta soomaali dadka kale lagu qaldi karo, labadanise waa dhalad meel fog laga garanayo. Waa nin iyo gabadh dhallinyaro ah oo qiyaastii isaga la da ah. Waa dhawr iyo labaatan jirro. Isaga ayaa ka ilhorreeyey bariidadana kaga horreeyey. Sidii uu ugu farxay si la mid ah ayey ugu farxeen.
 
Markii la isbariidiyey, iswaraysi hordhac ahna la isdhaafsaday, waxaa la tegay oo shaah lala fadhiistay maqaaxi xarunta gudaheeda ku taal. Isagu wuxuu u sheegtay Liibaan, iyaguna waxay u kala sheegteen Guuleed iyo Isir. "Isir" ayuu Liibaan aad u dhadhansaday, wuxuuna sheegay in ay tahay weligii markii labaad ee uu magacaas maqlo. Durba waxay iska heleen wehelnimo iyo xasillooni. Durba kaftanka iyo sheekadu waa darandoorri sidii dad awalba wada socday. Qofka soomaaliga ahi noole aan soomaali ahayn wehelnimo kama helo dhabna uguma nefiso, haddana isla soomaaligaas ayuu eedaa. Inta la iskaashado in la eg ayaa la isku jabaa.
 
Liibaan saaxiibbadiisa cusub wuxuu waydiiyey halka ay ka yimaaddeen iyo meesha ay iskaga soo lugdareen. Iyaguna waxay u sheegeen imikadan in ay ka soo degeen dayuurad Dimishiq ka soo qaadday, ayna isku barteen meel ay soomaalida socotada ahi telefoonnada ka dirato kuna taal xaafad lagu magacaabo Masaakin Barsa. Runtii meeshu waxay ahayd timajare sabool ah, soomaalida ayaase telefoonkiisa lacag ku waashay ilaa uu shaqadii kaleba faraha ka qaaday. Guuleed ayaa yidhi: ”Laba cisho ayaan Isir Dimishiq kaga soo horreeyey. Iyadu Nayroobi ayey soo martay, aniguse Sacuudiga oo aan cimro ku soo galay ayaan bil iyo dheeraad joogay. Adiguna?”
 
”Shalay barqadii ayaan ka imid Qaahira halkaas oo laba aannu wada soconnay la igaga reebay. Shan bilood baan halkaas ku caddillaa, shantaas biloodna mar waxaa la iga soo qabtay Gegida Dayuuradaha New York, marna aniga oo Ingiriiska ku socda ayaa la igu qabtay Gegida Qaahira. Labadii jeerba baasaboorradii aan sitay oo ahaa kuwo aan iibsaday waa ay iga gubteen. In aynu kulanno ayaa qorrayd. Ilaa shalay dad baan raadinayey cid idinka horraysana ma aan arag”, ayuu yidhi Liibaan.

”Haa, tallaabada ayaa qorrayd. Alla annaguba maxaannu jeclayn in aannu cid hello”, ayey Isir u celisay.

Cabbaar ayey ka sii hadleen dhulalkii ay soo mareen iyo waxyaalihii ay la soo kulmeen. Waxay kale oo ka sheekaysteen inta baasaboor ee ay soo adeegsadeen. Imika saddexdooduba waxay sitaan baasaboorro qalaad oo been-abuur ah. Waxay isla qireen mar haddii halkan la joogo meesha ugu dhow ee lagu tibbadaa in ay tahay Jarmalka.

Guuleed waa nin dhuuban oo dherer xigeen ah oo maarriin ah oo weji qoran oo indho godgodan oo af yar oo timo humbulan. Surwaalka iyo shaadhka iyo kabaha wada magarka ah ee dubkiisa u eg ee uu gashan yahay ma bilic liitaan. Wuxuu u muuqdaa qof furfuran laakiin hadal badan. Wixii laga hadlayaba wuxuu isku dayayaa in uu afhayeen ka ahaado. Isir qudheedu waa qof furfuran oo isku kalsoon. Sidii uu burburka bulsho u dhacay haweenku xijaab ayey sharka kaga dhuunteen, iyaduse goono kubabka joogta iyo funaanad dumar ayey xidhan tahay, timahana iyada oo sida muuqata ku faanaysa ayey sida sayn fardood ciyaarsiinaysaa. Wejiga qoran ee waydda ahi wuxuu u dheellitiran yahay jidhka intiisa kale ee dhumucda yar. Diifta socdaalka ee korkeeda cawlan ka muuqan lahayd waxaa qarisay niyadsamida ay qabto.

Liibaan wuxuu sitaa khariidad yar oo ay ku qeexan tahay soohdinta Jarmalku, barta uu ka gelin doono ee ay soomaali badani ka gashay. Waa khariidad la isla wada yaqaan, waana waxa ugu horreeya ee lagu talagalo marka halkan la soo gaadho. Waa tub caan ah oo aad looga gudbo, tuulo tuulo iyo geed geed ayaana la isula yaqaan. Sidaas darteed markii uu ogaaday Isir iyo Guuleed qudhoodu in ay isla khariidaddiisa sitaan lama uu yaabin.

* * *

Gabbalgaabkii ayey xambaarteen sadddex boorso oo ay ku gurteen cuntooyin qasacadaysan iyo caagag biyo ah. Dabadeed tuulada soohdinta ugu dhow ayey qorraxdhac isku beegeen iyaga oo bas kaga degay. Fiid cilcillawgii ayey ka boodboodeen taar soohdinta ku dhereran kaas oo ilaa saddex mitir dhulka ka sarreeya. Bartan laga boodayo qudheeda waa lagu soo talagalay oo waa bar caan ah. Ilaa Qaahira iyo Dimishiq iyo Yurubta Bari oo dhan meeshaas yar waa laga yaqaan. Guuleed oo ugu hor booday ayaa dhanka kale ka qabtay Isir oo uu Liibaan soo badhitaaray. Dabadeed waxay ku taagnaayeen ciidda Jarmalka oo ugu sokaysa dunida lagu nabadgalo laguna noolaado. Shalay ayey ahayd maalintii uu dhulkani ahaa meesha ugu daran dunida ee aadamiga lagu gubo, lagu gumaado laguna gumeeyo, maantana waa bartilmaameedda badbaadada iyo nabadda. Ummaduhu dabci xun iyo mid san ma kala laha, taariikhdana waxaa dhala xaalado iyo dhacdooyin gaar ah.

Waddo dheer oo labada dal isaga gudubta ayey yaaceen oo yaaceen oo yaaceen. Waa dhul bannaan oo wada beero ah, aqallo iyo dhir teelteel ah ayaa hareeraha ka muuqmuuqda. Haddii uu baabuur ka hor yimaaddo ama ka daba yimaaddo meel fog ayey ilayskiisa ka arkayaan dabadeed inta aanuu soo gaadhin ayey dhinac u boodayaan oo biyadhaca waddada beerka dhigayaan. Cid walba oo imika iyo halkan ku aragtaa waa u cadow, sidaas darteed waa in ay sida dabaysha u qarsoomaan una dheereeyaan. Sidaas ayey u ordayeen muddo afar saacadood ah. Dabadeed iyaga oo ay ahayd in ay saacad kale sii yaacaan ayaa Isir cag laga qabtay. Kab ayaa boqonta ka goysay oo ay ka dhaqaaqi wayday. Kabta kuma socon karto, haddii ay iska bixisana ilkaha sheydaan ee laamiga ka soo wada fiiqan kuma dhaqaaqi karto. Inta ay waddada dacalkeeda biyashubka ah ku hakadeen ayey nabarkii balastar ku dhejiyeen faashadna ku duubeen, kabtiina waxay ka jeexeen bartii nabarka ku beegnayd. Laakiin markii ay dhaqaaqday xanuunkii wax badani iskama beddelin.

Cabbaar ayey si walba isugu dayday in ay sii socoto, dabadeed waa ay niyad xumaatay oo waxay bilawday in ay ooydo. Iyaga oo aan weli gaadhin halkii qorshuhu ahaa in ay maanta hadhgalaan ayuu waagu ku dillaacay. Markaas waa in ay waddada ka fogaadaan oo meel manta oo dhan qarin karta ku dhuuntaan. Waxay galeen taago yar oo dhir badan oo jiq ah oo qiyaastii waddada saddex boqol oo mitir u jirta. Geed weyn oo hadoodilan ayey jirridda u galeen. Halkaas ayey ku gataatidhaceen.

Markii ay labadii nin hurdo u daateen Isir waxaa lagu soo tuuray xummad ka dhalatay boqontii ay kabtu ka goysay, waxayna ku seleleen waliilkeeda. Awel nabarka ayaa xanuunayey imikase qandhadu jidhka oo dhan ayey ku faaftay. Laba xabbadood oo kiniinka xumadda ah ayey liqday muddo gaaban ayeyna ku ladnaatay, laakiin haddana waa lagu soo kacay. Iyaga oo daallan laakiin gabadha isu xilqaamaya ayey toostooseen oo si walba ugu laabqaboojiyeen. Liibaan ayaa kacay oo dooggii jilicsanaan ee gogosha u ekaa ee ay ku galgalanaysay dhinac fadhiistay oo gacanta kaga salaaxay madaxa, dhabarka iyo dusha oo dhan.

“Isir, walaal gacaliso, waad ladnaan doontaaye istiil oo adkayso.”

“Allaay! Allaay! Alla walaal miyaan idin dhibi lahaa haddii aan adkaysan karayo? Sidee bay u dhici kartaa meel yar oo ay kabi iga goysay in aan waxaas oo xanuun ah kala kulmo?!”

“Kiniin kale in aad imika liqdo uma baahnid, laakiin haddii aad raashin fiican cunto jidhkaagu wuu adkaysan karayaaye cunto kale aan kuu diyaariyo.”

“Maya, maya walaal, waad mahadsan tahay, sow anigii goor dhowayd wax cunay miyaan afkaba saari karayaa. Idinku iska yara seexda caawana waynu guuraynaynaaye.”

Marka ay sidaas lee dahay ooyi mayso waxaase ka qubanaysa illin kulul oo si walba oo ay isaga tirto haddana dhabanka hooraysa. Runtii qalad ayey samaysaye waxaa wacnayd isla judhii ay kabtu goysay in ay sheegto oo xal loo raadiyo, laakiin in badan ayey ku soconaysay oo u adkaysanaysay sidaas darteed nabarku wuu waynaaday.

Weli dhinaceeda ayuu Liibaan fadhiyaa oo gacanta dusha ka marmarinayaa. Runtii gacanta uu marinayo waxay ka helaysaa naxariis xumadda ka yara dhimaysa. Werwer badan waxay ka qabaan haddii ay sidan sii ahaato in ay caawa guurayn kari waayaan. Inta aanay sahaydu ka go’in waa in ay gaadhaan meel soohdinta ka fog oo aan lagu qabanayn haddii lagu qabtana aan Yurubta Bari lagu celinayn.

   * * *

Maalinta gelinkii dambe Isir nabarkii waa ay ka ladnaatay, waana ay ka furtay faashaddii iyo balastarkii waayo waxay u aragtay sidaasi in ay bogsasho dhow dahay. Runtii markii ay laba xabbadood oo kale oo kiniin ah liqday xanuunkii wuu daayey. Waxayse isku raaceen caawa haddii ay socdaalaan in ay damqanayso sidaas darteed ay habeen iyo maalin kale iska sii joogaan.

Isir iyo Liibaan xidhiidhkii jidh ahaaneed ee dhex maray markii ay xummadaysnayd waxaa ka dhashay isu dhowaansho iyo gacaltooyo weyn. Markii ay ladnaatay sidii ayey iska sii wadeen oo waxay noqdeen sidii laba qof oo awelba xidhiidh gaar ahi ka dhexeeyey. Run ahaantii dareenka wanaagsan ee isu galay wuxuu la soo bilawday kulankoodii shalay, laakiin ma ay helin fursad ay dhab isugu gudbiyaan. Indhahooda iyo erayadooda isu nugul waxaa ka dambeeya qalbiyadooda isu godlan. Iyaga oo aan afka waxba isaga sheegan ayey labadooda nafood is oggolaadeen oo isku darsameen. Imika kalgacalkoodu waa kaas oodaha jabsaday. Intaa waa ay is dhundhunkanayaan oo isku duuban yihiin. Labaduba aad ayey xaalladdooda cusub raalli uga yihiin. Ninkii ku saddexda ahaaba waa ay illaaween.

Guuleed arrintaas isha ayuu ku hayaa, wuuna ka xun yahay. Wuxuu ka xun yahay Isir oo ay isaga wada socdeen sida boobka ah ee uu ninka kale ku soo dhex galay. Hinaase madhan ha ka ahaato, damqasho jacayl oo qudhiisa Isir ugu jirta ha ka ahaato, amaba xil uu si uun isu saaray ha ka ahaatee, wuxuu isu dhigayaa gabadha in uu isagu masuul ka yahay. Kollaybase wuxuu ka xun yahay sida aanay labada qof isaga u xushmaynayn ee ay hortiisa afka iyo gacmaha isugula jiraan. Dhawr jeer ayuu ku yidhi hadallo nuxurku ahaa falkoodu in uu yahay dhaqanxumo. "Yurub maba aydaan dhex gelin dhaqankooda durba ma dabaysha ayaad ka qaadateen?" ayaa ka canaantiisa ka mid ahayd. Hadallada caynkaas ah in kasta oo aanay iyagu waxba ka soo qaadin isaga daqiiqad walba ta ka dambaysa ayuu xanaaqu kaga sii darayaa. Mar ay Isir ka yara tagtay wuxuu cod xajiin leh ku yidhi:

”Liibaan, sow qalad ma aha Isir in aad ula dhaqanto sidii naag aad qabto?”

”Waar nin yahow, naag aad qabto lahaane dad waaweyn baannu nahaye naga dhex bax.”

”Hadalkaas qudhiisu waa dhaqanxumo kale. Isir aniga ayey ila socotaa oo masuul ka ah, waana in aad sidaas u garataa.”

”Isir kulama socoto ee waa ay innala wada socotaa. Waxaynu nahay saddex qof oo waaweyn oo wada socda, mana xukuntid, sida aannu u wada dhaqmaynana shaqo kuma lihid.”

”Nin yahow, sida aad u hadlaysid iyo sida aad u dhaqmaysid midkoodna ma hagaagsana. Waad og tahay gabadha reerkoodu in ay aniga igu og yihiin, sharafteeda iyo nolosheedana xil baa iga saaran ilaa aan dad igaga xil leh ku simo. Sidaas waa in aad wax u aragtaa.”

"Isir masuul kama tihid, sida aan og ahayna cid kuu soo xilsaartay ma jirto ee sidii laba qof oo xor ah baad u soo rafiiqdeen. In aanu isjeclaanno iyo in aannu isguursanno iyo in aannu danahayga ka tashannana adigu in aad soo gashid xaq uma lihid."

"Jacayl iyo guur iyo dano? Waar nin yahow si wacan ii maqal, waad gardaran tahay, mar dambena Isir agteeda kuguma arki karo."

"Maxaad samaynaysaa haddii aad igu aragto?"

"Anigu sidaas baan ku idhi, dooni maayo mar dambe agteeda in aan kugu arko."

"Adeer xumaan baad u dan lee dahaye aynu kala nabadgallo."

"Aynu kala nabadgallo laakiin mar dambe gabadhaas faraha ha la gelin."

Hadalkaas u dambeeya waxaa maqashay Isir oo Guuleed dhabarkiisa ka timid, waana ay la yaabtay sida ay labada nin arrintu uga ribbatay. 'Mar dambe gabadhaas faraha ha la gelin' ayey maskaxdeedu sii dhadhansatay.

"Maxaad isku haysataan?"

"Ninkani ma masuul buu kaa yahay mise laba qof oo waaweyn oo rafiiq ah baad ahaydeen?" ayuu Liibaan waydiiyey.

"Adeer aniga cid iga masuul ah iyo cid aan u baahan ahay toonna ma jirtee, maxaad isku haysataan?"

"U sheeg haddaba isaga intaas."

"Wax ay ii sheegayso iyo wax aan adiga kaala hadlayo oo dambe ma jiraane, hadalka intii aan ku idhi ku jar, haddii kale xumaanta aad iga raadinayso waad helaysaa."

"Waa adiga ka xumaanta raadinaya ee iga helayaa", ayuu Liibaan u celiyey.

”Nacallaa idinka iyo aabbihiinba ku yaalle nagala aamusa nacnacda! Waar adiga yaa masuul iiga kaa dhigay? Haddii aynu wada soconnay miyaad i iibsatay? Maxaa kaa galay aniga iyo cid kale waxa naga dhexeeya?”

"Qof aan waxba isku falayn haddii aad tahay sidaas u hadal, haddii kale inta aad ila socoto ninkaas agtiisa kuguma arki karo", ayuu yidhi Guuleed oo istaagay oo aan xanaaq dartii dhaqdhaqaaqa jidhkiisa maamuli karini.

"Adeer aniga iyo wax isku faliddayda afka ha la gaadhine, waad naga gardaran tahaye meel joog."

Intaas markii ay tidhi ayey dhan kale u dhaqaaqday Liibaan ayaana raacay. Markii ay tallaabooyin dhawr ah wada qaadeen ayuu Guuleed oo sida dabaysha u duulayaa ka soo daba booday oo qacdii uu Liibaan soo jeestay feedh ku daldalay. Markii ay feedhadh badan isdhaafsadeen, oo durba Liibaan afka dhiig ka soo qubtay, ayey isgaleen oo si xoog leh Guuleed dhulka loogu legday. Liibaan oo sarreeya ayey Isir aad u jiidday, isaguna isma u sii adkayn ee wuu kacay. Dabadeed haddana Guuleed oo inta uu dhakhso dhulka uga soo booday isa soo maqiiqaya ayey isku duubtay oo ku barooratay. Inta ay Guuleed la rafanayso Liibaan meel durugsan ayuu ka soo hanjabayaa laakiin weerar ma soo aha. Sidii ayey ku kala joogsadeen iyaga oo isleh: "Waa haddii aad maanta noolaato!" iyo "Adigu waa haddii aad noolaato!"

Meeshii awel la wada fadhiyey oo Guuleed dul warwareegayo ayey Isir alaabteedii iyo tii Liibaan ka soo ururisay , waxayna labadoodu tageen meel halkaas konton tallaabo u jirta. Liibaan bishin baa dillaacday oo aad u barartay, fool iyo dhool xanuunaya ayuuna liilliijinayaa. Wax weyn isma ay yeelin labadoodabase nabarro muuqda ayaa gaadhay. Ha ahaatee waxaa ku kala dhacday cadaawad daran, waxayna gaadheen heer aan ka soo noqosho lahayn.

* * *

Waa maalintii labaad ee ay halkan joogaan. Waxaa la sii baxnaaninayaan Isir oo aad u ladnaatay. Sidii ayuu Guuleed gooni u yahay labada qof ee kalena xidhiidh toos ah lama leh. Xalay in uu keligii guurayn doono ayey labada kale ka fekerayeen, sidaas ayaanay jeclaayeen, laakiin ma uu yeelin. Waa ay la yaabeen haddii aanu waxba ku darsanayn sababta uu isaga tegi waayey.

Ambabbax la’aanta Guuleed waxay Liibaan ku ridday dhiillo weyn. wuxuu rumaysan yahay, Isirna u sheegay, ninkaasi in uu la damacsan yahay dil taasina ay tahay sababta uu xalay u tegi waayey. Wuxuu kale oo Isir u sheegay in uu ku arkay qaare uu doonayo in uu dilkaas ku fuliyo. Laakiin waxaas iyadu kama ay rumaysan. Dhawr jeer ayey u tagtay oo isku dayday in ay u caqliceliso kana dhaadhiciso run ahaantii in aanu iyada masuul ka ahayn, waxa uu Liibaan ula dirirsan yahayna ay tahay gardarro. Marar kale waxay isku dayday in ay isu maslaxdo oo ay wixii dhacay ka heshiiyaan. Laakiin isagu ciil ayuu jiq la yahay oo waxaas uma jeedo. Iyada qudheeda wuxuu u qabaa xanaaq aan ka yarayn ka uu Liibaan u qabo.

Imika waa maalinweyn qorraxdu kululaatay. Guuleed halkiisii ayuu joogaa oo geed aan weynayn dhabarka ugu tiirsan yahay wargeysna akhrisanayaa. Isir waxay ka kacday halkii ay iyada iyo Liibaan joogeen, waxayna u dhaqaaqday dhan gooni ah. Wax yar ka dib ayuu Liibaan isaguna kacay oo dhaqaaqay, wuxuuna gadaal u weydaartay ninkii kale oo weli jirriddii ku tiirsan. Guuleed ninka dhaafay jaqaftiisa ayuu sii dhegaystay oo sii dhegaystay, markii ay jaantiisu go’dayna si nefis leh ayuu isu kala bixiyey, oo inta uu fadhigii hagaajistay wargeyskiina dhinac isaga leexiyey indhaha isku qabsaday oo nasasho galay.
 
Liibaan runtii maba uu fogaan ee meel aan durugsanayn ayuu ka soo eegayey. Markii uu Guuleed isdhigtay ayuu isaga oo aad u sanqadh tiranaya oo faraha fooddooda ku soconaya soo gaatamay. Gacanta wuxuu ku sitaa suun maas ah oo surwaalka ugu xidhnaa kaas oo uu soo furay. Wuxuu soo gaatamaba kii oo sidii geedka ugu tiirsan indhahana isku haysta oo baraadla ayuu gadaal kaga yimid. Suunkii ayuu si feejigan oo aan la dareemi karin dhuunta kaga beegay oo inta uu labada dacal labada gacmood ku kala qabtay si xoog leh oo degdeg ah ugu soo dhuftay oo ku ceejiyey oo jirriddii qadaadka ugu takhlay. Kii la qabtay markii uu firig firig xoog leh bilaabay ayuu isaguna culayskiisa oo dhan jirridda geedka gadaal kaga soo tiiriyey suunkana dhuunta kaga sii giijiyey. Xoogga uu suunka ugu hayo iyo xoogga lidka ku ah ee uu ka kale isku dayayo in uu kaga baxo dartood waxay ku dhow dahay in ay qoortu kala go’do ama suunku kala go’o. Waxaase qunyar qunyar u go’day rafashadii ninka la hayey, waayo naftii ayaa ka aguugtay.
 
Isaga oo huba ninku in uu mayd yahay ayuu haddana cabbaar kale sii hayey. Goor dambe ayuu dareemay dhaqdhaqaaq la'aan iyo aamus buuxa. Mar kaas ayuu ku baraarugay waxa uu hayaa in uu yahay mayd goor hore tawafay. Mar kii uu sii daayey ee maydkii dhanka midig u dhacay afkana cawska gashaday ayuu ku soo wareegay oo isdul taagay.
 
Muddo laba iyo saddex daqiiqadood u dhexaysa markii uu sidii qof falan maydka dul gaafwareegayey oo uusan waxba ku tashan waxbana ka tashan ayey Isir labaatan tallaabo ka soo dhawaaqday.
 
”Ma og tihiin waxaan soo arkay? Waxaan soo arkay geed dhan oo tufaax ah oo hoobaan la ciirciiraya. Waa tufaax aan weli wada bislaan waase la cuni karaa. Bal kaalaya soo arka quruxdiisa.”
 
Indho dhagaraysan ayuu ku eegay, lamase uu hadlin ilaa ay soo gaadhay.
 
”Kaasi muxuu sidaas ula jiifaa?” ayey tidhi iyada oo dhiillaysan xaggii uu ninku jiifayna u sii socota.
 
Dhagarqabuhu gabadhii ayuu ku booday oo soo qabtay oo damcay in uu dhan kale u jiido, laakiin xoog ayey iskaga furfurtay oo maydkii ku dul habsatay oo madaxa qabatay oo wejigiisa keeda ku beegtay, waxayna aragtay weji aad mooddo jabad laga guuray iyo indho la moodo dab la bakhtiiyey. Inta ay bidix iyo midig u yara rogrogtay ayey dhulka ku tuurtay oo baroor ka wareegtay orodna isa sii daysay. Liibaan inta uu ka daba cararay ayuu soo qabtay oo isku duubay oo giddigeed laabta gashaday labada gacmood iyo jidhkiisa oo dhanna ku wada daboolay. Iyada oo oohin iyo hiinraag ku dhow in ay neefqabatowdo ayey rafanaysaa oo xagxaganaysaa oo isku dayaysaa in ay iska furfurto.
 
”I sii daa… i sii daa… i sii da… gacantu ku go’daye i sii daa! Alla ba’ayeey! Alla hoogayoo ba’ayeey…!
 
Isagu oo ka baqaya qayladeeda in loo soo raaco ayuu isku sii cadaadiyey oo jidhkiisa iyo keeda oo isku duuban oo mid isku noqday oo wada socda xoog ku fadhiisiyey.
 
”Gacaliso, isaga ayaa gardarrada lahaa, wuxuuna doonayey in uu i dilo ee i saamax! Sow ma ogid? Waxaan ku tusayaa qaaraha uu u diyaarsaday in uu madaxa igu kala jeexo. Gacaliso macaan, i rumayso. Waan ku tusayaa qoriga uu doonayey in uu madaxa igala dhaco oo nafta igaga qaado. In aan isdhigto ayuu ila sugayey. In aan dhinto miyaad jeclaan lahayd? Maya dheh! Ma aan doonayn in aan dilo, laakiin haddii uu i dili lahaa sow in aan isbadbaadiyo ma aha? Haa dheh! Run ii sheeg gacaliso, miyaad jeclaan lahayd in uu i dilo? Cid ogi ma jirto, cid ogaanaysaana ma jirto, innaguna waa aynu illaawaynaa. Gacaliso uma aan jeedin in aan wax dilo... weligay igama ay suurtawdeen in aan qof dilo... garan maayo waxa igu dhacay... sheydaan baa iga sayidcaleeyey... i saamax... wax walba waan kuu samaynayaa ee adiguna ii dembidhaaf... i sii fursad aynu si deggan ugu fekerro... imika wixii dhacayba dhacee ha ka fekerin ...”
 
Intaas iyadu waxay waddaa oohintii iyo hiinraaggii iyo firigfirigtii, waxayna ku soo celcelinaysaa ereyo dirqi kaga soo baxaya oo cay iyo habaar iyo hiif iyo haaraan ah oo aan hadalkiisa wax xidhiidh ah la lahayn. Waxay sidaas ahaataba muddo dheer ka dib waxaa la gaadhay goortii ay iskeed u aamusi lahayd. Sidii qof duumo ka soo kacday ayaa daal iyo tamar darro la dul saaray. Meeshii uu isagu khasabka ku fadhiisiyey oo boqol tallaabo u jirta bartii shilku ka dhacay ayey iska hawaartaa oo madaxa lawyada ku haysaa. Cabbaar dambe oo uu qudhiisu halkaas la sii fadhiyey iyaga oo aan wax hadal ah isdhaafsan.
 
Halka ay joogaan waxaa u dhow geed aad u weyn oo dhulka daadsan oo qallalan. Laamuhu waa ay kala daateen laakiin jirridda aadka u weyn ee qolof dhacsatay weli waa ay is-haysataa hal mitir ayeyna dhulka ka kacsan tahay. Inta uu maydkii fadhiisiyey oo labada gacmood gadaal kilkillooyinka ka soo geliyey oo laabta kaga soo qabtay ayuu jiiday. Sidii uu u jiidayey ayuu isaga oo xiiqsan oo dhididaya soo gaadhsiiyey jirriddii geedka dhacay. Inta uu maydkii dhigay ayuu jirridda hoosteeda xashiishkii ka guray oo aad u banneeyey ilaa uu dhulkii oo mudhuxsani soo baxay. Halkaas wuxuu ka sameeyey huluul madow oo ay jirriddu dusha kaga daboolan tahay. Dabadeed maydkii ayuu meeshii ku cadaadiyey ilaa uu wada qarsoomay. Qashinkii uu awel ka soo qufay ayuu dusha kaga awday una ekaysiiyey dhul caadi ah. Boorsadii dhabarka ee uu ninku ka dhintayna inta uu biyihii iyo cuntadii kala baxay ayuu isla halkaas ku awday. Alaabtii ayuu soo qaaday oo halkii ay joogeen keenay. Markaas qorraxdu liiqa ayey dhigtay. Nabarkii Isir oo imika iska ladnaaday ayey mar kale balastar iyo faashad ku duubeen. Markii shaacu yara madoobaadayna waxay u kaceen socdaalkii qabyada ahaa.

* * *

Habeenka labaad in kasta oo aanay Isir cagtii wax xanuun ah ka qabin haddana sidii habeenhore u dheerayn maayaan. Run ahaantii waa ay jiitamayaan, mana wada hadlayaan, inta badanna Liibaan ayaa dhawr tallaabo horreeya. Biyihiina waa ka dhammaadeen oo waa ay harraadeen. Dhulka ay marayaan ee waddada hareeraha ka xigaa waa beero waaweyn oo ay miranayso lo badan oo silig ku dayran yahay. Mar mar waxay ag marayaan ama dhex marayaan aqallo laga seexday, qof iyo laba ayeyna ishoodu ku dhacaysaa, laakiin danayn maayaan oo sidii wax aan muuqanayn ayey isaga socdaan. Waa ay dhacday mar in ay ka shakiyeen qof daaqad ka soo eegay, cabbaar ka dibna waxaa ka daba yimid baabuur, dabadeed sidii caadada ahayd waxay isku tureen biyadhaca waddada. Baabuurkii inta uu dhaafay ayuu haddana soo noqday oo halkii ay dhabbacnaayeen cabbaar ku dul hakaday. Waxay qoondaysteen in la qabtay, laakiin babuurkii laba jeer oo kale inta uu hore iyo gadaal meeshii ay jiifeen warwareegay ayuu iska tegay, iyaguna socodkoodii ayey sii wateen.

Waabberigii ayey galeen magaalo yar oo ay in tareenka ka raacaan u qorshaysnayd. Waa shantii aroornimo oo durbaba iftiin dharaar ah ayey noqotay, laakiin weli magaalada waa laga hurdaa oo meel furani ma jirto. Barta tareenka laga raaco ayey isku qariyeen iyaga oo daallan oo harraaddan oo baqaya.

Duhurnimadii xarunta ay tareenka kaga degeen quruxdeeda aad ayey ula yaabeen iyaga oo aan haddana wada hadlin. Juuq ay u celiso waxaa ugu dambaysay shalay markii ay mashaqadu dhacday. Intii ka dambaysay haddii uu la hadlo uma ay jawaabayn. Tareenka dadkii la saarraa ma ay kala garanayn in ay yihiin laba qof oo wada socda iyo in kale. Xitaa cuntada gooni gooni ayey u kala dalbanayeen. Wuxuuse rajo ka qabaa in ay qunyar qunyar u cadhaburburi doonto, oo marka ay naxdinta iyo argaggaxu ka baxaan caadi noqon doonto. Sidaas darteed aamuska wuxuu uga dhigayaa dhaymo iyo baanasho.
 
Imika markii ay halkan quruxda badan tareenka kaga degeen ee ay rajadoodu aad u wanaagsanaatay haddana weli waxay u eg yihiin laba qof oo aan wada socon. Dareenkeedu wuu ka maqan yahay jidhkeeduna aad ayuu uga fog yahay. Mar keliya indhahoodu isku dhici maayaan. Taasi isaga imika waxay ku ridday niyadxumo iyo welwel. Wixii dhacay isaga waxaa kaga xanuun badan dareenkeeda ka sii jeeda iyo qalbigeeda ka sii socda iyo jidhkeeda ka sii durkaya. Haddana weli wuxuu isku sasabayaa in ay bogsan doonto wax walibana caadi noqon doonaan. Wuxuu raadinayaa oo heli la yahay erayo habboon oo uu ku dhayo. Nafta wuxuu u sheegayaa in ay yihiin lammaane la isu qoray oo awelba la isla soo doontay oo aan sinaba isu waayi karin. Qaddarkii in aad kulantaan sii qoray ayaa go’aamiyey in aad mustaqbal la wadaagtid, ayuu isku maaweelinayaa. Kama fekeri karo, mana rabo in uu ka fekero, in ay nacday oo aamuska iyo siijeedka kaga dhabayn doonto.
 
Markii ay halkan tareenka kaga degeen oo ay xarunta tareennada dhex socdeen ayuu galay dukaan macmacaanka iyo cabbitaanka lagu iibyo, wuxuuna ka soo qaaday laba dhuub oo shokolaato ah iyo laba daasadood oo cabbitaan ah. Iyadu intii uu dukaanka ku maqnaa waxay ku sugaysay halkii uu kaga dhaqaaqay. Isaga oo cabbitaan iyo shokolaato sida markii uu u yimid toos ayey ugu soo wada jeesatay oo indhaha indhaha ugu beegtay. Waa markii koowaad ilaa shalay ee ay indhahoodu isku dhacaan. Wejigeedu kii uu yaqaannay ma aha. Sideedaba waa qof cusub. Labadeeda indhood illin goor aan fogayn ka lismi doonta ayaa ku godlan. Isaga oo dareenkeeda malayn kari la ayuu alaabtii qaybteeda u taagay. Kama ay guddoomin ee waxay kula hadashay cod bisil oo go’aan adag oo arxandaran oo aanu moodayn in ay qof dumar ahi yeelan karto. Waxay ku tidhi:
 
”Oday, i maqal, qof wanaagsan baan kuu qaatay, waanan ku jeclaaday, bahal baadse noqotay. Imikana, halkan dhanka aan u dhaqaaqo mooyee dhanka kale uga dhaqaaq. Eray keliya haddii aad iga daba keento, ama tallaabo keliya iga soo daba qaaddo, ama aan indho dambe ku saaro, askariga ugu dhow ayaan u sheegayaa in aad nin dishay.”
 
Intaas markii ay tidhi isaga oo aan hadal haleelin ayey si daallan oo cagajiid ah haddana haladayg leh u dhaqaaqday, durbadiibana waxay dhex gashay badweyntii dadka ahayd ee caddayd. Timaheedii madoobaa oo badda cad sii dhex muquuraya ayuu sii eegay oo sii eegay oo sii eegay ilaa ay libidhay.
 
Kursi u dhowaa ayuu si culus ugu fadhiistay. Fadhi laguma sheegi karo ee waxaa la dhihi karaa kursiga wuu ku dul dhacay. Daqiiqad gudaheed ayuu wax walba ku fekeray. Wuxuu ku fekeray in uu ka daba ordo oo isku duubo oo sii dayn waayo wax walba oo dhaca. Wuxuu kale oo ku fekeray in uu tareenka xiimaya isu dhigo. Wuxuuse kale oo ku fekeray in uu sidii nin rag ah adkaysto. Waxaas oo dhan waxaa ku haysa qof uu saddex cisho oo eedaad ah yaqaannay!
 
Dhawaaqyo ah magaceeda iyo codkeeda oo aan kala go'ayn haddana aan kala miirmayn ayaa maqalkiisa buuxiyey. Hummaagyo ah muuqeeda iyo kulankoodii iyo intii ay wada joogeen iyo markii isugu dambaysay iyo sawirro kale oo iyada ku wada saabsan ayaa dhaayihiisa hor marmaray. Maskaxdiisa muggeedii waxaa buuxdhaafisay xusuusteeda. Wax walba oo kale waa ay ka tirmeen. Hareerihiisa waxa ka dhacaya kuma baraarugsana. Waxbaba ma jiraan aan ahayn naftiisa dhamacda ku solmaysa iyo buuqa waalan ee madaxiisa ka dhex baxay. Goorta iyo meesha uu joogaba xaqiiqadoodii waa ay ka luntay. Ma oga goobta iyo goorta uu joogo.
 
Cabbaar ayuu jidhkiisu kursiga iska dul saarraa. Dabadeed cabbitaankii iyo shokolaatadii uu labada gacmood ku hayey ayuu yara eegay isaga oo aad mooddo in uu la yaabban yahay waxa ay yihiin iyo waxa gacanta u geliyey. Haddana alaabtii oo dhan ayuu kolaygii dhiniciisa qotomay ku wada maguujiyey. Wax baa dhulka u dhacay danse kama uu gelin.
 
Sidii bahal waalan ayuu kacaa-fadhiistay oo iska daba wareegay. Dabadeed dhankii ay Isir aadday ayuu u dhaqaaqay, oo haddana sidii qof maandoorsan inta uu yara hakaday dib u soo noqday oo dhanka kale afka saaray. Meel cayiman oo uu ku socdo garan maayo. Wuxuu dareemayaa dawakh iyo yalaalugo sidii qof madaxa dakhar weyni ka gaadhay.
 
Markii uu in yar sii luuday ayey koox bilays ahi weerareen. Laba askari oo xoog waaweyn ayaa iyaga oo aan la hadlin hareeraha ka galay oo labadiisa gacmood xoog u qabtay oo dhabarka ugu laabay, oo inta ay qadaadka qabteen madaxa hoos u foororiyey. Boorsadii ayey ka qaadeen oo baadheen, jeebabkiisana waxay ka soo saareen warqado dhawr ah, baasabboor iyo lacag yar. Dabadeed iyaga oo weli labaddible u haya madaxuna hoos u foororo ayey dudduuceen. Waxay ku rideen baabuur u taagnaa meel aan ka durugsanayn, wayna la dhaqaaqeen iyaga oo fooniye ku hadlaya. Waxay ku hadlayeen afkooda, isagana mar qudha af kale kulama ay hadlin. Mar haddii aanu afkooda eray qudha ka fahmayn waxaa la moodaa in ay naftooda la duryamayaan. Hadalku qiimi ma leh haddii aan la isku afgaranayn, kamana duwana dhawaaq ka yeedhay qalfoof meel yaalla oo ay dabayshu afuuftay.
 
Xaaladdan cusub ee askartu wax ay dareenkiisa ku soo kordhisay ma qeexi karo. Ma hubo sideedaba in ay wax ku soo kordhisay iyo in kale. Wuxuuse hubaa in uu jaranjaro nacdaleed sallaammadeeda hoos uga sii degayo. Wuxuu qirsan yahay aayihiisii oo dhami in uu dalluun madow ku sii hoobanayo; aayihiisii uu qaaradaha uga soo gudbay ee badaha iyo buuraha u soo jibaaxay, iyo lamadegaannada iyo kaymaha. Wuxuu arkay iyada oo ay wax waliba noqdeen sidii uu ku riyoonayey beddelkeeda, wuxuuna ka fekerayaa sida wanaagsan ee ay wax waliba noqon kari lahaayeen.
 
Horta wixii kugu dhacay maxay ahaayeen? Labadii ruux ma balaayo lagula soo doontay ayey ahaayeen? Ma dhab baa mise waa riyo in aad nin dishay? Sidee ayey u dhici kartaa in aad qof dhan qudha ka jartay? Iyadiina meeday? Qoftii dhammayd ee kaa midka ahayd imika miyeydaan waxba isu ahayn? Ma ka dhab buu ahaa hadalkii ay lahayd: " Eray keliya haddii aad iga daba keentid, ama tallaabo keliya iga soo daba qaaddid, ama aan indho dambe ku saaro, askariga ugu dhow ayaan u sheegayaa in aad nin dishay.”? Nacdal baa ku taal dunida iyo waxa saaran oo dhan iyo iyada iyo adigaba!
 
Imika wuu isdhiibay; wuxuu isu dhiibay qaddarka. Qacdii ay bilaysku qabteen madaxiisii ay hoos u foororiyeen mar dambe kor wuu u qaadi kari waayey. Laakiin markii saldhigga bilayska la geeyey eedda loo haystaa maba ay noqon dhagartii dhiigga ahayd ee uu ku tashaday. Waxaa lagu qalday nin la ugaadhsanayey oo magaalada maandooriye ku iibiya. Markii dembi lagu waayeyna wuxuu dalbaday magangelyadii uu awelba dhulkan u yimid.

* * *

Laba bilood ka dib, goor galab ah oo ay qorraxda bisha sebtambar oo diirrani dunida koolkoolinayso, kuraas taal meel debed ah oo cosob leh ayuu Liibaan la fadhiyaa koox soomaali ah. Waa xarun lagu hayo dadka waddanka soo magangala inta aan degganaansho la siin ama dib loo dhoofin. Waa dad karantiin ah sidii ay qabaan cudurrada faafa. Mid ka mid ah aqallada dhawrka ah ee meesha ka dhisan waxaa ka soo baxday gabadh soomaaliyeed oo dhallinyar. Waxay ku beegan tahay Liibaan wejigiisa, malahana wuxuu ahaa ninkii koowaad ee arkay. Qorraxda indhaha ka cawartay iyo khajilaad ay ka qaadday ragga meesha fadhiya dartood eegmada toos ugulama ay dhiirran, si durugsan ayeyna isu barbarisay.

Isagu markii uu gabadha arkay ka dib qorraxdu uma aha tii ay ahayd, qudhiisuna ma aha kii uu ahaa. Waxba wixii hore ma aha. Mar keliya ayey dunida oo dhami noqotay duni kale. Dhawr ilbidhiqsi gudahood ayey wixii farxad iyo filanwaa jiray qalbigiisa ku kulmeen. Kun waydinood iyo kun xusuusood oo xanuunka iyo xiisaha kala daran ayaa ku wada dhashay. Ma dhab baa in ay Isir tahay? Haba ahaatee waa Isirtee? Ma tii aad maalin kulanteen mise tii aad maalin kala dhaqaaqdeen?

Markii ay dhabarka jeedisay ayuu degdeg uga daba kacay. Tobaneeyo tallaabo markii uu u jiray ayuu magaceeda ugu yeedhay. Dhakhso ayey u soo jalleecday iyada oo hubta in uu yahay mid ka mid ah kuwii ay soo dhaaftay. Markii ay garatayna muddo dherer la eg inta u dhexaysa bilawga iyo dhammaadka dunida ayey is'hor taagnaayeen iyaga oo isku dhaygagsan. Midba ka kale wuxuu u rumaysan la yahay sidii noole yaab leh oo kaga soo baxay meel aan laga filan karin. Goor dambe ayey tallaabadii u dhexaysay xaggiisa u soo qaadday, waxayna laabtiisa ugu tiirsatay si qunyar ah oo aad mooddo in ay damqasho iska dhawrayso ama ay isaga ka dhawrayso; si qunyar ah oo haddana culus oo aad mooddo in aanay weligeed ka toosi doonin.


Ibraahinhawd@hotmail.com

5 / 5 (1 Votes)





FAALLO

SUUGAAN